Friday, April 19, 2024
HomeWararMadaxweynaha Kenya Oo Warqadaha Aqoonsiga Danjiranimo Ka Guddoomay Tarsan

Madaxweynaha Kenya Oo Warqadaha Aqoonsiga Danjiranimo Ka Guddoomay Tarsan

Madaxweynaha Dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa maanta Magaalada Nairobi waxaa uu warqadaha safiirnimo uga guddoomay danjiraha cusub ee Soomaaliya.

Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa loo magacaabay Danjiraha Soomaaliya ee Kenya,waxaana uu maanta warqadahiisa aqoonsiga danjirenimo u gudbiyay Uhuru Kenyatta oo ku qaabilay Madaxtooyada Kenya.

Tarsan ayaa horay u soo noqday Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho intii uu xilka hayay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Sidoo kale Tarsan ayaa waxaa uu horay u ahaa Lataliyaha dhinaca siyaasadda ee Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Waxaa uu ka mid ahaa danjirayaal dhowr ah oo dhowr bilood ka hor ay magacowday Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe