Home Warar Inka badan 400 oo Somali ah ayaa ku dhintay Dagaalada Ka socda...

Inka badan 400 oo Somali ah ayaa ku dhintay Dagaalada Ka socda Dalka Yeman.

526
0

Dad gaadhaya ilaa 400 qof oo Soomaali ah ayaa ku dhintay dagaalka ka socda dalka Yemen tan iyo intii uu bilowday sannadkii 2015-ka, sidaasi waxaa yiri qunsulkii hore ee Soomaaliya ee magaalada Cadan Xuseen Xaaji Axmed oo toddobaadkan kasoo laabtay dalka Yemen.

Xuseen Xaaji Axmed oo haatan ah safiirka Soomaaliya ee Suudaanta Koonfureed ayaa sheegay in dadkaasi badankooda ay ku dhinteend duqaymaha cirka.

Dadka dhintay waxa ku jira in ka badan 40 qaxooti Soomaali ah oo bishii Maarso ee sannadkii hore ay diyaarado helikobtarro ah ku duqeeyeen iyaga oo doonayey inay doon ka raacaan magaalada Xudeyda.