Home Dhageysi Dhageyso:- Wasiirka Difaaca Soomaaliya Oo Saraakiil Ciidank Kusoo Dhaweeyey Muqdisho

Dhageyso:- Wasiirka Difaaca Soomaaliya Oo Saraakiil Ciidank Kusoo Dhaweeyey Muqdisho

102

Xasan Cali Max’ed Amar Dambe Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Ayaa Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho Kusoo Dhaweyey Saraakiil iyo Saraakiil Xigeenku Ka Tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Kuwaas Oo Tababar Kusoo Qaatay Dalka Aaan Walaalaha Nahay Ee Turkiga.

Wasiir Amar Dambe Oo Soo Dhaweynta Ka Dib Saxaafadda Kula Hadlay Gudaha Garoonka Diyaaradaha Muqdisho Ayaa Ugu Horreyn Waxaa Uu Muujiyey Sida Uu Ugu Faraxsan Yahay In Saraakiishan Uu Kusoo Dhaweeyo Magaalada Muqdisho Ee Caasimadda Dalka.

Waxa Uu Sidoo Kale Ku Ammaanay Sida Wanaagsan Oo Ay Usoo Qaateen Tababarkii Loo Diray Isaga Oo Sheegay In Ay Muujiyeen Wadaniyad Iyo In Ay Ka Go’an Tahay Difaaca Dalka Iyo Dadkoodaba.

Xasan Cali Max’ed Amar Dambe Wasiirka Difaaca Dawladda Faderaalka Ah Ee Soomaaliya Ayaa Dhinac Kale U Mahadceliyey Dawladda Turkiga Oo Uu Sheegay In Mar Walba Ay U Taagan Tahay Dhismaha Dalka Soomaaliya Gaar Ahaana Tayeynta Ciidanka Xoogga Dalka.

Saraakiishaan Dalka dib Ugu Soo Laabtay Ayaa Muddo Waxa Ay Ku Maqnaayeen Dalka Turkiga Halkaas Oo Ay Ku Qaadanayeen Tababar Ay Siinayeen Saraakiil Ka Tirsan Dawladda Aan Walaalaha Nahay Ee Turkiga.

Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiirka:-