Home Dhageysi Dhageyso:- Shariif Xasan Sheekh Aaden Oo Iscasilay

Dhageyso:- Shariif Xasan Sheekh Aaden Oo Iscasilay

103
0

Wararka Codka Gobollada Dhexe  ay ka heleyso Magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya uu sameeyay tanaasul ku aadan doorashada madaxweynaha maamulkaasi.

Wararka ayaa intaas ku daaraya in Shariif Xasan Shiikh Aadan uu iska casilay xilkii maaxweynenimo ee maamulkaasi, tanaasulkaasina uu u sameeyay danaha shacabka Koonfur Galbeed Soomaaliya sida uu warbaahinta u sheegay Wasiirka Warfaafinta Maamulka Koonfur Galbeed Xasan Maxamed (Ugaas Xasan).

Waxaa si kumeel gaar ah xilka madaxweynaha maamulkaasi usii heyn doono Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulkaasi Cabduqaadir Shariif Sheekhuna Maye.

Tanaasulka uu sameeyay Madaxweynaha muddo xileedkiisa madaxtinimada dhamaatay Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa kusoo aadayso xili maalmihii dambe aad looga cabsi qabay in doorashada madaxweynaha maamulkaasi ay qabsoonto kadib markii gudigii doorashada madaxweynaha ay iscasileen badidooda.

Hoos Ka Dhageyso Wasiirka War-Faafinta KGS:-