Home Dhageysi Dhageyso:- Qareenada Soomaaliland Oo Si Kulul Uga Jawaabay Hadal Kasoo Baxay Xog-hayaha...

Dhageyso:- Qareenada Soomaaliland Oo Si Kulul Uga Jawaabay Hadal Kasoo Baxay Xog-hayaha G.Wakiilada Soomaaliland

135
0

Garyqaan Xasan Cabdullaahi Cawaale Iyo Garyaqaan Daahir Max’ed Faarax Oo Ka Mid Ah Ururka Qareenada Soomaaliland Ayaa Si Kulul Uga Jawaabay Hadal Dhawaan Kasoo Yeeray Xog-Hayaha Golaha Wakiilada Soomaaliland.

Xog-hayaha Ayaa Kol Sii Horreysay Sheegay In Soomaaliland Kusoo Badanayaan Ururo Aan Sharciyad Ku Dhisneyn Kuwaas Oo Dhaliilo U Jeedinaya Mudanayaasha Golaha Wakiilada Soomaaliland Waxa Uuna Xog-hayahu Tilmaamay In Ururadaas Goluhu Go’aan Ka Gaari Doono.

Hadaba Hadalkaas Ayaa Waxaa Xog-hayaha Ku Gacan Seyray Xubno Ka Tirsan Qareenada Soomaaliland Iyaga Hadalkaas Ku Tilmaamay Mid Sharci Darro Ah.

Garyqaan Xasan Cabdullaahi Cawaale Ayaa Sheegay In Wax Laga Xumaado Uu Yahay Hadalka Kasoo Yeeray Xog-hayaha Taasina Ay La Micno Tahay In Aan Waxba Laga Sheegi Karin Ama La Dhaliili Karin Hawsha Golaha Wakiiladu U Hayaan Shacabka Reer Soomaaliland.

Dhinaca Kale Garyaqaan Daahir Max’ed Faarax Ayaa Isna Waxa Uu Eedeyn U Jeediyey Ciidamada Booliska Gobolka Sarar Kuwaas Oo Uu Sheegay In Maxkmadaha Gobolka Ay Awood U Adeegsadaan Sida Uu Garyqaanku Hadalka U Dhigay.

Hoos Ka Dhageyso Codadka Oo Dhameystiran:-