Home Dhageysi Dhageyso:- ONLF Oo Isku Diyaarineysa Kulankii Ugu Dambeeyey Oo la yeelaneyso Itoobiya

Dhageyso:- ONLF Oo Isku Diyaarineysa Kulankii Ugu Dambeeyey Oo la yeelaneyso Itoobiya

359
0

Jamhadda ONLF Iyo Dawladda faderaalka Ah Ee Itoobiya Ayaa Isku Diyaarinaya Wada-hadallo Muhim Ah Oo Ay Yeeshaan Labada Dhinac Kuwaas Oo Muhim U Ah Labada Dhinac.

Af-hayeenka Jamhadda ONLF C/qaadir Xasan Hirmooge (Cadaani) Af-hayeenka Oo Ku Sugan Magaalada Addis-Abab Ee Xarunta Dalka Itoobiya Isla-markaana La hadlay Idaacadda Codka Gobollada Dhexe Ee Cadaado Ayaa Sheegay In Weli Ay Socdaan Wada-hadallada U Dhaxeeya Jamhadda ONLF iyo Dawladda faderaalka Ah Ee Itoobiya.

Af-Hayeen Cadaani Waxa Uu Xusay In Maalin Ka Hor Kulamo U Dhaxeeya Jamhadda Iyo Dawladda Itoobiya Ay ka Dhaceen Magaalada addis-Ababa Maanta Lagu Wado In Kulamo Kale Ay Yeeshaan Labada Dhinac.

Ujeedada Kulamadan Ayuu Af-hayeenku Ku Sheegay In Ay Gogol Xaar U Yihiin Wada-hadal Guud Oo Todobaadka Soo Socda Dabayaaqadiisa Ka Dhacaya Magaalada Addis-ababa Ee Xarunta dalka Erateria.

Dhinaca Kale Af-hayeenka Waxa Uu Beeniyey in uu Baaqday Kulan Ay yeelan Lahaayeen Jamhadda ONLF Iyo Dawladda faderaalka Ah Ee Itoobiya Balse La Isku Af-gartay In Dib Loo Dhigo Kulankaasi.

Hoos Ka Dhageyso Codka Af-hayeenka Jamhadda ONLF C/qaadir Xasan Hirmooge:-