Home Dhageysi Dhageyso:- Madaxweyne Ku Xigeenkii Ximan Iyo Xeeb Oo Weerar Dhinaca Afka Ah...

Dhageyso:- Madaxweyne Ku Xigeenkii Ximan Iyo Xeeb Oo Weerar Dhinaca Afka Ah Ku Qaaday Xaaf

336
0

Labo Maalin Ka Hor Magaalada Dhuusa-Mareeb Ee Xarunta Gobolka Gal-gaduud Ayaa Waxaa Looga Yeeray Saraakiil Ka Tirsan Ciidanka Booliska Ee Ku Sugnaa Cadaado Inkastoo Aan Rasmiyan La Ogeyn Ujeeadada Dhabta Ah Ee Ka Dambeysa U Yeeritaanka Ciidamadan.

Wararka Qaar Ayaa Sheegayey In Saraakiisha Dhuusa-Mareeb Looga Yeeray Lagala Tashanayo Arrimo La Xariira Xaaladda Amni Ee Deegaanada Gal-mudug Iyo Sidii Laga Yeeli Lahaa Deeganada Ay Al-shabaab Kaga Sugan Yihiin Gal-mudug.

Balse Arrinkaas Ah U Yeeritaanka Ciidamada Ayaa Si Kulul Waxaa Uga Hadlay Isla-Markaana Uga Hor Yimid Qaar Ka Mid Ah Siyaasiyiinta Kasoo Jeeda Deegaanada Maamulka Gal-mudug.

Madaxweyne Ku Xigeenkii Maamulkii Ximan Iyo Xeeb Abdi Max’ed Axm’ed-Nuur Oo Lasoo Xariiray Idaacadda Codka Gobollada Dhexe Ee Cadaado Ayaa Sheegay In Wax laga Xumaado Tahay Ciidamada Xilligan Looga Yeeray Magaalada Dhuusa-Mareeb Ee Xarunta Gobolka Gal-Gaduud.

Waxa Uu Tilmaamay In Ciidamadu Ay Yihiin Kuwo Ka Diiwan Gashan Taliska Booliska Soomaaliyeed Isla-Markaana Qaata Mushaaraad Ay Bixiso Dawladda Balse Xaafka Fadhigiisu Yahay Dhuusa-Mareeb Uu Hadafkiisu Yahay iska Hor-Keenidda Ummadda Ku Dhaqan Qaar Ka Mid Ah Deeganada Gal-mudug.

Hadalka Madaxweyne Ku Xigeenki Maamulkii Hore Ee Ximan Iyo Xeeb Ayaa Waxa Uu Imaanayaa Iyadoo Todobaadkaan Gudihiisa Magaalada Dhuusa-Mareeb Looga Yeeray Saraakiil ka Tirsan Ciidanka Booliska Ee Ku Sugnaa Cadaado…

Hoos Ka Dhageyso Codka:-