Home Dhageysi Dhageyso:- Caruur Ku Dhimatay Deegaanka Mareer Ee Gobolka Mudug

Dhageyso:- Caruur Ku Dhimatay Deegaanka Mareer Ee Gobolka Mudug

76
0

Wararka Idaacadda Codka Gobollada Dhexe Ka Heleyso Qaybo Ka Mid Ah Gobolka Mudug Gaar Ahaana Bariga Gobolkaasi Ayaa Waxa Ay Sheeyeen In Caruur Aad U Da’yar Ay Ku Geeriyoodeen Deegaanka Mareer Ee Gobolka Mudug.

Tirada Caruurta Geeriyootay Ayaa Ah Labo Caruur Ah Oo Da’doodu U Dhaxeyso 5 Illaa 7-Sano Jir Sida Ay Noo Sheegeen Qaar Ka Mid Ah Dadka Deegaanka.

Geerida Caruurtaan Ayaa Timid Ka Dib Markii Saddex Caruur Ah Ay Aadeen Goob Baraag Ah Oo Biyo Laga cabi Jiray Ee Halkaasi Ku Taalay.

Labada caruur Ee Geeriyootay Marka Laga Yimaado Waxaa Jira Caruur Kale Oo Isna Hadda Xaaladdiisa Caafimaad Lala Tacaalayo.

Caruurta Ayaa Labo Ka Mid Ah Waxa Ay Kasoo Jeedeen Hal Qoys Oo Kaliya Halka Midka Kalena Ay Iska Dhawaayeen.

Mid ka Mid Ah Dadka Deegaanka Mareer Oo La Hadlay Idaacadda Codka Gobollada Dhexe Ee Cadaado Ayaa Ka Warbixiyey Sida Ay Wax U Dhaceen Sidoo kale Waxa Uu Xusay In Hadda Ay Wanaagsan Tahay Xaaladda caruurka Saddexaad Ee Barkadda Laga Soo Bad-Baadiyey.

Deegaanka Mareer Oo Ay Dhacdadu Ka Dhacday Ayaa Waxa Uu Kala Baraa Degmooyinka Jarriiban Iyo Garacad Ee Gobolka Mudug Waxa Uuna 30KM U Jiraa Degmada Jarriiban.

Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Mid Ka Mid Ah Dadka Deegaanka:-