Home Warar Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Caafimaadka Soomaliland Oo Hargeysa Lagu Dhaawacay

Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Caafimaadka Soomaliland Oo Hargeysa Lagu Dhaawacay

45

Askari Ka Tirsan Ciidamada Maamulka Soomaaliland Ayaa Dhaawac U Geystay Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliland Mudane Maxamed Cabdi Xargeeye.

Wararka La Helayo Ayaa Sheegaya In Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Caafimaadku Uu Dhaawac Kasoo Gaaray Rasaas Uu Ku Furay Askari Deganaa Dhul La Doonayey In Laga raro.

Askarigaan Rasaasta Ku Furay Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliland Ayaa Ka Mid Ahaa Dad La Sheegay In Ay Degan Yihiin Dhul Ay Leeyahay Dugsiga Caafimaadka Ee Dawladdu Maamusho, Kaas Oo Loogu Tala-galay In Ay Galaan Macallimiinta Wax ka Dhigta Dugsigaas Balse Bur-burkii Dawladda Soomaaliya Ka Dib Ay deganaayeen Dad Shacab Ah.

Agaasimaha Dhaawacmay Ayaa la Sheegay Inuu askrigan Oo Qoyskiisu Deganaa Dhulkaas Ku Amray Inuu Ka Guuro Taas Oo Keentay in caro Ka Dhalatay Askariga Ay Keentay Inuu Rasaas Furo.

Wararka Ayaa Sidoo kale Tilmaamaya In Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Caafimaadka Uu ka Dhaawacmay Canjarka/Bowdada Isla-Markaana Rasaastu Dhex-martay Hilibka Balse Aanay Jabin laftu Waxa Uuna Haatan Agaasimuhu Ku Sugan Yahay Hoygiisa Uu Ka Degan Yahay Hargeysa Ka Dib Daweyn Kooban Oo Loo Sameeyey.